UW Medical Center iyo Harborview Medical Center Xeerka Biilka iyo Ururinta

UJEEDDO:

Soo dejiso boggan oo ah Af-Soomaali

Iskaashiga shaqada UW Medical Center iyo Harborview Medical Center waa inay horumariyaan caafimaadka dadwaynaha iyaga oo faafinaya aqoonta caafimaadka, iyaga oo siinaya daryeelka koowaad iyo ka takhasuska oo heersare ah dadkan gobolka, sidoo kalena soo saaraya dhakhaatiirta, saynisyahanada iyo xirfadlayaasha kale ee caafimaadka ee mustaqbalka. Si shaqadaasi u suurtogasho isbitaalku waxa uu u baahan yahay in uu dhaqangaliyo xeer ururinta daynta kaasi oo:

  • kor u qaadida in wakhtigeeda la bixiyo adeegyada la bixiyo.
  • ka jawaabaysa xaaladda dhaqaale ee bukaan kasta.
  • bixisa ikhtiyaaro damacsan oo faro badan oo ka jawaabaya bukaanada waajibaadkooda dhaqaale.
  • Isku keenida kharashka ay dalacday xarunta iyo xirfadlaha hal warbixin ee adeegyada la qabtay 3/27/2021 ama wixii ka horeeyay.
  • ku dadaalka adeega tayada macmiilka ee lagu xalinayo wixii su'aalo kharash dalicida ah ee hal taleefan ah.

XEERKA:

Kharashka Caymiska

Adeegyada Dhaqaalaha Bukaanka ee UW Medical Center iyo Harborview Medical Center waxa ay kharashka ku dallici doonaan gobolka, fadaraalka iyo shirkadaha ganacsiga ee caymiska. Bukaanka uma qabsanayno wax kharash ah ilaa aanu caymiska kala baxno, taas oo ay kamid tahay diidmada rafcaanada laga qaatay. Markasta oo ay macquulka tahay, waxaanu noqonayaa mid u doodaa xaqa bukaanka si aanu ugu soo dhicino kharashka caymiska kahor xarunta iyo sheegashada xirfadlaha inta aananu u beddelin lacagta mid qofku iska bixinayo.

  • Xisaabaadka qofku iska bixinayo lacagta waa in lagu bixiyo 30 maalmood laga bilaabo marka ay soo gaadhay bayaanka ee ugu horreeysey haddii aan heshiis kale la galin.
  • Baaqiga uu qofku bixinayo ee inta caymiska kasoo hadha waxaa lagu bixin doonaa 30 maalmood gudahood oo ka bilaabanta maalinta warbixinta la helay.
  • UW Medical Center iyo Harborview Medical Center waxay diraan bayaanada bukaanka 30-kii maalmoodba mar ilaa 120-ka maalmood ee wareegga ah.
  • Wakhtigan, bukaanku waxa uu ku bixin karaa lacagta si buuxda ama diyaarin karaan heshiis dhaqaale oo ay kamid tahay:
    • Qorshaha lacagta
    • Kaalmo Dhaqaale
    • Ka doodid kharashka lagu dalacay
    • Bixiyaa macluumaad dheeraad ah wixii ku dalicida ah cid kale oo ka bixinaysa ama caymiska
  • Tayada daryeelka iyo mushkilada saxnaanta lacagta waxaa loo xalinayaa si dhakhso ah sida ugu dhakhsaha badan ee macquulka ah oo waxaana mudnaanta la siinayaa dhaqan gelinta heerka uruurinta.
  • Xarunta ayaa taleefanka ka soo hadlaysa si loo helo lacagta ama loo gaadhi heshiis maaliyadeed.
  • Bayaanka afraad waa “Wargelinta ugu Dambaysa” oo la socodsiinaysa dammiinka in xisaabtoodii lagu wareejinayo hay’ad ururisa daynta xumada oo bannaanka ah haddii ayna bixin lacagta ama ayna heshiis bixineed ku galin muddo 30 maalmood ah.
  • Haddii aan laga soo jawaabin ama aan lacagta oo dhammaystiran la bixin waxay keeni kartaa in lagu wareejiyo hay’adda ururisa daynta xumada.
  • Dhammaan bukaanada caqabadaha sheegta dhaqaale xumo waxaa dib u eegid lagu samayn doonaa inay heli karaan Kaalmo Dhaqaale iyo/ama Medicaid. Waxaa la bixin karaa Kaalmada Dhaqaalaha wakhti kasta, xataa marka la diro hay’dda daynta ururisa balse waa in la codsada intaan xukun maxkamadeed dhicin.

Ikhtiyaarada Qiimo Dhimista

Xarunta Caafimaadka UW iyo Xarunta Caafimaadka Harborview waxay bixiyaan qiimo dhimis bukaanka is iskaga bixinaya iyo cida damiinka u ah ee aan lahayn caymiska ama la siiyo adeegyo aanu caymisku bixinaynin. Qiimo dhimista cida is iska bixinaysa waa la bixiyaa oo waxaa lagu dabaqaa nidaamkeena kharashka ee kharashaadka xarunta iyo xirfadlaha.

  • Bilaa caymis (aanu bixin caymisku) lacag bixinta oo dhan kahor adeegyada
    • 30% qiimo dhimis ah
    • 10% qiimo dhimis ah 30% ayaa la dalbanayaa
  • Bilaa caymis (aanu bixin caymisku) lacagta oo dhan adeegyada kadib
    • 30% qiimo dhimis
  • Caymis leh (aanu bixin caymisku) lacagta oo dhan kahor adeegyada
    • 30% qiimo dhimista
    • 10% qiimo dhimis ah kadib 30% marka la dalbado
    • Laga jaro, wada bixinta, iyo/ama wada jirka qiimo dhimis laguma sameeyo
  • Caymis leh (aanu bixin caymisku) lacagta oo dhan wixii adeegyada aanu caymisku bixinaynin kharashkooda
    • 30% qiimo dhimis ah
    • Laga jaro, wada bixin iyo/ama caymis wadareed malaha qiimo dhimis

Hadii adeegyada la qaatay loo arko in sharciyan aanu bixinaynin caymiska bukaanka / damiinka, qiimo dhimista bilaa caymiska ayaa lagu dalban karaa adeegyada aanu caymisku bixin.  Hadii bukaanku uu u qalmo qiimo dhimista Kaalmada Dhaqaale ee Caafimaadka UW ama qiimo dhimista Xaalada Dhaqaale ee adag waxaa jiri doona wax la iska dhaafo oo qiimo dhimis ah cida iska bixinaysa ee barnaamijka.

Ikhtiyaaro Lacag Bixin Haboon

UW Medical Center  iyo Harborview Medical Center waxa ay qaataan lacag cadaaan ah (kaliya xafiiska khasnajiga), jeeg shakhsi ahaaneed, jeeg elektoroonig ah ama kiridhid kaadh.
Kaadhka kiridhidka iyo Jeegaga bixinta waxaa lagu aqbalaa:

  • Bixinta Lacagta Onleynka ah oo dhamaystiran ama qayb ah qorshaha bixinta kharashka MyChart 24/7 mychart.uwmedicine.org
  • Khadka taleefanka tooska ah oo furan 24/7 – la hadal 206.520.0400
  • Adeega Macmiilka Isniin-Jimce 8:00 subaxnimo ilaa 5:00 galabnimo (marka laga tago maalmaha ciidaha ah) in la bixiyo ama la samaysto qorshe bixineed – la hadal 206.520.0400
  • Lacagta cadaanka ah waxaa lagu bixiyaa kaliya Xafiiska Khasnajiga ee UW Medical Center-Montlake iyo Harborview
  • Qaybta bukaanka waxaa la bixinayaa marka bayaanka kharashka ka bixitaanka la bixiyo iyada oo qorshaha bixinta la sameeyo moojee ama Kaalmo Dhaqaale la dalbado oo la gubiyo arjigeeda moojee.

Qorshaha Lacag Bixinta

Hesiiska lacag bixinta waxaa la sameeyaa marka uu bukaanku leh Xisaabaadka Bukaanka iyo Adeegyada Taageero uu dalbado. Caadiyan, tani waxay na siinaysaa ilaa 12 bilood oo lacag isku mid ah ama ilaa 24 bilood hadii xaaladaha lagu ogolaanayaa ay jiraan. Xarunta Caafimaadka Harborview iyo Xarunta Caafimaadka UW qorshayaasha lacag bixintu waa bilaa ribo.

Dalabka Lacagta Caafimaadka

Marka uu bukaanku galay shil ama cid ku tacadiday, shirkaddooda caymisku
guud ahaan ma bixiso kharashka adeeggooda caafimaad marka la ogaado inay cid kale ka masuul tahay. Sidoo kale, bukaanku haddii aanu lahayn caymis balse uu doonayo inay ka bixiso cidda ka bixinaysa kharashka. Markay xaaladdu sidan tahay UW Medicine waxay gudbin kartaa dammaanad ka dhan ah wixii lacag laga bixinayo dhaawaca shakhsi ahaaneed ee mustaqbalka. Foomka dammaanaddu waa mid lagu sugayo danaha dhabta ah ama hantida qofka si amaanda loo bixiyo.

Ku Wareejinta Xisaabta Cida Uruurisa
 Ururiyo:

Shaqada waxaa kamid ah:

  • Wargelinta hore ee lagu wargelinyo dammiinka in uu kaga soo jawaabo 30 maalmood kadib marka uu kusoo gaadho wargelintani oo aad ka muranto saxnaanta dayntan ama qayb kamid ah, xafiiskan waxa uu u arkaa in dayntu sax tahay: oo ay u qalanto in la gaadhsiiyo ka warbixinta daynta maalinta 180aad.
  • Soo Hadlidda.
  • Go'aano sharci ah oo sheegaya la wareegista mushaharka.
  • Dammaanadda Daawaynta.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xisaabaadka uruurinta:

  • Xisaabaadka Bukaanka iyo Adeegyada Taageero waa inay ansixiyaan wixii talaabo sharci ah ee xisaabtayda laga qaado.
    • Dacwad lama ansixin doono hadii ayna jirin shaqo wax ku ool ah oo qofku hayo.
    • Talaabo sharci ayuu qaadi karaa iyada oo la matalayo Xarunta Caafimaadka UW iyo Xarunta Caafimaadka Harborview Kaaliye Xeer Ilaaliye "Gaar" ah oo hay'adu la xidhiidho.
  • Xisaabaadka lagu meeleeyey mid kamid ah labada hay’adood ee qandaraaska ku qaatay muddo hal sano ah waxa lagu meeleeyaa hay’ad kale oo labaad, haddii aan la bixin lacagta ama xukun sharci ahi soo bixin.
  • Cidda kale ee lagu wareejiyay waa la soo celinayaa sanad kale kadib haddii ayna wax dhaqdhaqaaq ah 90 cisho ee hore arag.
  • Xisaabta cidda kale soo celisay waxaa loo aqoonsan doonaa in aan la helaynin waxaana laga saari doonaa Daynta ay inoogu maqan tahay Hay'adda Ururinta Dayntu Xisaabka La Sugayo (A/R).
  • Daynta baaqiga ah waxa ay ku jiri doontaa xisaabaadka dammaanad-qaadaha toddoba sano ama toban sano haddii xukun sharci ah u soo baxo.

Ficilka Lacag Uruurinta Aan Caadiga Ahayn (Extraordinary Collections Actions, ECA)):

  • ECA waxaa kamid ah ku wareejinta wakiilka hantida shakhsi ahaaneed, gaadhsiinta hay’ada daynta shakhsiga, ka jaritaanka mushaharka iyo dalabka bixinta ama kaydka kahor inta aan la bixin daryeelka caafimaadka ee daruuriga ah. Xisaabaadka bukaanka waa in aan lagu samaynin wax ECA ah, iyada oo UW Medical Center, Harborview Medical Center ama hay’adaha ay wada shaqeeyaan ee lagu qoray.
  • Xarumaha Caafimaadka kama masuul aha go’aaminta u qalanka kaliya iyada oo ka helaya ka tanaasu la saxeexay bukaanka, aan ahayn Isbitaalka taas oo loo arko in dadaal macquul ah uu sameeyay hadii Isbitaalka uu go’aamiyo in aanu u qalmin taas oo ku salaysan macluumaadka loo arko in aanu sax ahayn ama uu khaldan ama laga heley bukaanka isaga oo la khasbay ama loo caga jugleeyay. Dadaalka macquul ah ayaa la samayn doonaa si loo ogaado u qalanka Kaalmada Dhaqaalaha oo ay kamid yihiin kuwa soo socda;
    • Wixii ECA ah ee la bilaabo waa la joojinayaa haidi arjiga buuxa aan  la helin, wargelin qoraal ah ay ka maqan tahay macluumaadka/waraaqaha loo diray bukaanka oo ay ku jiraan wixii wargelin ah ee ECA ee Xarunta Caafimaadka (ama wakiilka Xarunta Caafimaadka) ayaa la bilaabi karaa ama dib loo wadi karaa hadii arjiga ama bixinta lacagta aan la helin taariikh gaar ah;
    • Dhamaan bayaanada bixinta lacagta oo ay la socdaan wargelinta laga shakiyo ee ku saabsan Kaalmada Dhaqaale oo wadata lambarka taleefanka loola hadlayo macluumaadka/kaalmada iyo cinwaanka websaytka ee tooska ah waxaa loo koobiyeeyay Kaalmada Dhaqaale waraaqaha ah ee la heley;
    • Guudmarka luuqada cad ku qoran ee Kaalmada Dhaqaale waxaa kamid ah bayaanka bixinta lacagta 4aad si loo kordhiyo la socodka;
    • Buuxinta arjiyada Kaalmada Dhaqaale wakhtiga ku munaasabka ah ayaa lagu mariyaa nidaamka arjiga bukaankana waxaa lagu wargeliyaa qoraal waxa la go’aamiyay, waxaa la siin doonaa bayaanka biilka ugu danbaysay haddii baaqi jiro, waana loo celiyaa lacagta haddii lagu bixiyay lacag wakhtiga la ansixiyey kaasi oo uu xoojiyey arjigu.
    • Xarunta Caafimaadka UW waxay ka tanaasuli kartaa shuruudaha dakhliga, waraaqaha iyo xaqiijinta hadii u qalanka Kaalmada Dhaqaale ay iska muuqato. Shaqaalaha Caafimaadka UW waxay xaq u leeyihiin inay taas sameeyaan marka xaalada sida mushkilada bulshada ama caafimaad ay jiraan. Mararkan oo kale, Caafimaadka UW waxay ku xisaabtamaysaa bayaanka qoran oo ee uu saxeexay dhinaca ka masuulka ah marka la qiimaynayo u qalanka ugu danbeeya..
  •  120 maalmood ayaa kasoo wareegay wakhtigii lasoo saaray qaansheegta kharashka ka bixidda isbitaalka;    sidoo kale
  • Shuruudaha u qalanka ee soo socda waa la buuxiyay (ugu yaraan 30 maalmood kahor bilawga ECA) oo dadaal macquul ah ayaa la sameeyay si loo ogaado u qalanka bukaanka ee Kaalmada Dhaqaale:
    • Qoraal wargelin ah ayaa la diraa kaas oo lagu wargelinayo jiritaanka Kaalmada Dhaqaale;
    • Bixinta guudmarka luuqadda cad ku qoran ee Xeerka Kaalmada Dhaqaale ;
    • Wargelinta tallaabada la qaadayo haddii aan la bixin kharashka;
    • Wargelinta taariikhda wixii ka danbeeya tallaabada la qaadayo haddii aanay nasoo gaadhin kharashku; iyo
    • Isku-dayo la sameeyey in afka loogaga waramo bukaanka Xeerka Kaalmada Dhaqaale iyo arjiga Kaalmada Dhaqaale
  • Sheegista amaahda ayaa iman karta 180 maalmood kadib qaansheegta koowaad ee isbitaal ka bixidda kadib.
  • Baaqiga lagu dacwayn maayo qofka ilaa 240 maalmood kadib markii la soo saaray qaansheegta bixidda kadib.

Si Isku Mid ah Ula Dhaqanka Dhamaan Bukaanka/Damiinada:

UW Medical Center iyo Harborview Medical Center waxay uga shaqeeyaan xisaabaadka bukaanka qaab waafaqsan xeerkan kharash qaadidda. Xaaladdii doontaaba ha jirtee looma eego hirgalinta xeerkan da’, isir, midab, jinsi, doorashada jinsiga ama waddanka qofku uu ka soo jeedo.

Khayraadka:

Nuqulka siyaasada, iyo sidoo kale nuqulada Siyaasada Kaalmada Dhaqaale, Guudmarka Kaalmada Dhaqaale oo Luuqad Cad iyo arjiga Kaalmada Dhaqaale waxaa lagu heli karaa iyada oo lala xidhiidhayo mid kamid ah goobaha Kaalmada Dhaqaale ee Caafimaadka UW.  Waraaqaha sidoo kale waxaa lagu heli karaa onleyn ahaan uwmedicine.org/financialassistance.

Websaytka Caymiska UW Medicine iyo Kharashka Dalicida waxa uu siiyaa bukaanka uwmedicine.org/patient-resources/billing-and-insurance.