XEERKA BIILASHA & URURINTA EE VMC

Soo dejiso boggan oo ah Af-Soomaali

Waaxda:

Madaxa Xeerka Adeegga

Macmiilka Xisaabaadka Bukaanka:

Kaalmada

Dhaqaalaha

Lambarka Xeerka:

PFS.5000.1

Ujeeddo:

Hannaanku waxa uu dhigayaa nidaam heer shirkadeed ah oo si fiican loo qeexay oo baaqiqa uu bukaanku ka masuulka yahay in uu bixiyo ah. Hannaanku waxa uu iftiiminayaa nidaam isku mid ah iyo tijaabo dabagal hawlaha la xidhiidha ururinta xisaabaadka bukaanka iyo u gudbinta xisaabaadka hay’ad bannaanka ah oo daynta ururisa.

Valley Medical Center waxay isku dayaysaa sidii macquul ah inay kaga qaadato baaqiga bukaanka (ama cidda kale ee ka bixinaysa) waajibaadka dhaqaale ee shakhsi ahaan saaran.  Wixii xisaabaad ah ee la bixin waayo ee isbitaalku ku guuldarreysto waxaa loo gudbiyaa hay’ado madaxbannaan oo xirfadlay ah oo soo ururisa wixii daymo daryeel la helay ku maqan.

 

Hannaanka:

Jadwalka Bayaanka Iska Bixinta Lacagta ee Qofka

Bayaanka koowaad

Maalinta 1

Bayaanka labaad

Maalinta 31

Bayaanka saddexaad

Maalinta 61

Digniinta ugu danbaysa

Maalinta 91

Dib u eegidda liiska daynta laga quusto

Maalinta 115

Meesha ka saaridda daynta laga quusto

Maalinta 120

 

Mabaadii'da Guud ee Shaqo:

  1. Xarunta caafimaadka Valley waxay ogsoontahay culayska dhaqaale ee kharashka daawaynta caafimaadku uu ku abuurayo bukaanada ay xaddidan tahay ama aan lahayn caymiska daryeelka caafimaad. Bukaanada aan lahayn caymiska waxaanu ka daynaa kharashka badh sida aanu shirkadaha caymiska ee aanu heshiiska kula jirno uga dayno.
     
  2. Bukaanada aan caymiska lahayn waxaanu u fidinaa ikhtiyaarada qayb looga cafinaayo bixinta  baaqiga ku haray. (Fadlan tixraac xeerka Ciddii aan Lahayn Caymis & Wax ka Danta Lacagta marka wakhti hore la bixiyo.)
     
  3. Bukaanada ama cidda bixinaysa kharashka ee muujiso caqabad keenaysa inaanay ku bixinin baaqiga mar kaliya waxaa la siin doonaa heshiis lacag-bixin muddo dheer ah oo ilaa 12 bilood ah, oo aanay ribo la socon. Inta ugu yar ee la bixinayaa waa inay tahay

    $50 dhammaan xisaabaadka isbitaalada iyo $25 dhammaan xisaabaadka dhakhaatiirka, oo aanay ka badan muddo 12 bilood ah. Haddii aanu bukaanka ama cida bixinaysaa ayna ku bixin karin 12 bilood ee la siiyay iyada oo dhan, maalgalinta bangiga ayaa la siin doonaa.
     
  4. Valley Medical Center waxay bixisaa ikhtiyaaro qorshe muddo dheer lagu bixinayo lacagta oo ay iska kaashadaan bangi. (Sida amaah kasta oo bangi ama kaadhka daynta, waxaa la socota dayntaa ribo sidoo kale haddii aan wakhtigeeda lacagta lagu bixin, waxaa la socota ganaax la raagidda ah).
     
  5. Haddii uu bukaanku muujiyo mushkilad aanu guud ahaanba ku bixin karin dakhligiisa oo xaddidan darteed, bukaanka ama cidda bixinaysa waxaa la siin doonaa arjiga Kaalmada Dhaqaale, kaas ay tahay inta la buuxiyo in la soo celiyo oo lagu soo lifaaqo dokumentiyada dhaqaale ee caddaynaya ee ku habboon arjiga si looga fekero dib u habayn lagu sameeyo Kaalmada Dhaqaale baaqiga xisaabta. (Fadlan tixraac Xeerka Kaalmada Dhaqaale)
     
  6. Valley Medical Center waxay siisaa dib u habayn Cashuurta La Qaybinayo ee Valley ee ciddii u-qalanta Isbitaalka Dadwaynaha Degmada King Deegaanka #1 dadka guryaha leh cashuuraha ay bixiyeen. Daynta Qaybinta Valley waxaa lagu aadin karaa kharashka qofku jeebkiisa ka bixiyo ee ay ku leedahay Valley Medical Center kadib marka cida kale ee bixinaysa iyo caymisku ay bixiyaan dhinacooga.

    Xaddiga dib u habaynta lagu samaynayaa waxa uu ku xidhan yahay cashuurta la qaado ee la bixiyay ee Isbtaalka Degmada Lambar #1 sida uu dhiga Diwaanka Cashuurta ee rasmiga ah ee Degmada King. Inta ugu badan ee waligeed Dib u Habaynta Lagu Samaynayo Cashuurta La Qaybinayo ee Valley ee Isbitaalka Degmada #1 dadka deggan waa $3,000.

     
  7. Bukaanada ama cidda kale ee bixinaysa lacagta ee ku bixinaysa jeeg / kiridhit kaadh / dhibit kaadh ee lagu celiyo maadaama oo ayna ku jirin lacag ku filani waxaa laga qaadayaa kharashka NSF (Lacag ku Filan Kujirin) xisaabtooda. Wakhtigan Valley Medical Center waxay qaaddaa $35.00 Kharashka Jeegga la Soo Celiyo wixii jeeg ama kiridhit kaadhka / dhibit kaadhka ee la soo celiyo maadaama oo ayna lacag ku filani ku jirin.
     
  8. Valley Medical Center waxay kaa qaadi doontaa ribo ah 1%, 30 maalmood kadib marka ay soo saarto warbixinta kowaad iyo bilkasta oo ka danbaysa xisaabta leh xaalada kharash iska bixinta. Xisaabta leh qorshaha bixinta ama hakad ku jira ama sugaysa qiimaynta lagama qaadayo ribo ilaa inta dib loogu soo celinayo wareega iska bixinta.
     
  9. Dadaalada ururinta daymaha ee Valley Medical Center waxay raacdaa nidaamka Gobolka WA (Washington) iyo shuruucda Medicare / Medicaid.
     
  10. Dammaanadda Daawaynta:

    Marka ay bukaanka la soo daristo shil ama wax kale oo khadlan, caymiskooda caafimaad ma bixinayo kharashka adeegyada caafimaadka marka ay ogaadaan inay cid kale ay leedahay masuuliyaddiisa. Sidoo kale, bukaanku haddii aanu lahayn caymis balse uu doonayo inay ka bixiso cidda ka bixinaysa kharashka. Markay xaaladdu sidan tahay UW/Valley Medical Center waxay ka gudbin kartaa dammaanad wixii lacag-bixin ah ee mustaqbalka. Foomka dammaanaddu waa mid lagu sugayo danaha dhabta ah ama hantida qofka si amaahda loo bixiyo.
     
     
  11. Xisaabaadka Lagu Meeleeyo Ururinta Waxaa Kamid Noqon Kara:
  • Sheegista amaahda ayaa iman 300 maalmood kadib marka la soo saaray qaansheegtii ka bixidda isbitaalka kadib ee koowaad.
  • Baaqiga lagu dacwayn maayo qofka ilaa 240 maalmood kadib markii la soo saaray qaansheegta bixidda kadib.
  • Soo Hadlidda.
  • Go'aano sharci ah oo sheegaya la wareegista mushaharka.
  • Dammaanadda Daawaynta.
  • Valley Medical Center waa inay ansixisaa wixii tallaabo sharci ah ee laga qaadayo xisaab.
  • Valley Medical Center dacwayn mayso haddii ayna jirin shaqo uu qofku ka shaqeeyaa.
  • Xisaabaadka waxaa qacanta ku hayn doona hay’adda hal sano muddo ah, kadibna waxa loo gudbin doonaa hay’ad kale haddii aan la bixin lacagta ama xukun sharci ahi soo bixin.
  • Cidda kale ee lagu wareejiyay waa la soo celinayaa sanad kale kadib haddii ayna wax dhaqdhaqaaq ah 90 cisho ee hore arag.
  • Xisaabaadka la soo celiyo sanadka labaad waxaa loo qaataa kuwa aan la soo uruurin karin waxaana lagu daraa Wixii Aan Usoo Xaroonaynin Hay’adda.
  • Daynta baaqiga aan la bixin waxa ay ku jiri doontaa xisaabaadka dammaanad-qaadaha toddoba sano, ama toban sano haddii xukun sharci ah u soo baxo.

 

Bukaanada aan lahayn Caymis Caafimaad

  1. Bukaanada Valley Medical Center ee aan lahayn caymis caafimaad waxaa loo diri doonaa warbixinta kharashka daryeelkii la siiyay 5 maalmood kadib markay ka baxeen isbitaalka. Xogta ka hadalka ikhtiyaarada dhaqaale waxay la socdaan warbixinta waxaana sidoo kale waxa la socda cinwaanka waaxda Adeegga Macaamiisha.

    Fiiro Gaar ah: Valley Medical Center waxay bukaankeeda aan lahayn caymis caafimaad siisaa kaalmada arjiga Medicaid waxaana la dhigaya isbitaalka.  Bukaanada waxaa la eegi doonaa in uu u-qalmo Medicaid sidoo kalena waxaa laga kaalmayn doonaa nidaamka arjiga haddii ay habboon tahay.

     
  2. Bukaanada wuxuu u-qalmaa inuu helo 30% kharash ka dhaafid kaas ah kharash dhaafidda dedejinta bixinta haddii baaqiga lagu bixiyo 30 maalmood oo ka bilaabanta taariikhda bayaanka koowaad.
     
  3. Valley waxay ku wargelin doontaa bukaanka ama cida ka masuulka ah baaqiga ku hadhsan iyada oo u diri doonta 4 bayaan wargelin. Iyada loo laga duulayo doorbiditaanka kharashk- bixingta, bukaanka waxaa lagala soo hadli karaa taleefanka, fariin qoraal ah loogu soo diri doonaa, ama laga wargelin doonaa MyChart laga bilaabo 14 maalmood kadib taariikhda warbixinta ugu horeysa.
     
  4. Haddii kharashka oo dhammaystiran ama sida ku cad heshiiska aan loo bixin, waxaa loo diri doonaa wargelinta ugu danbaysa cidda bixinaysa taas oo lagu sheegayo haddii aan lagu bixin kharashka oo dhan ama aan heshiis la galin mudo 10 maalin-shaqo gudahood oo ka bilaabanta maalinta bayaanka xisaabta, waxaa aanu ku khasbanaanaynaa inaanu u gudbino xisaabta cid kale oo daynta ururisa.
     
  5. Haddii kharashka oo dhan aan la bixinin, ama heshiis kale aan la galin, oo ay xisaabtu gaadho muddadii 120 maalmood ahayd, oo la buuxiyay dhammaan shuruudihii, xisaabta waxaa masuuliyaddeeda lagu wareejin doonaa hay’adda daymaha ururisa oo xirfadlayaal ah.

 

Bukaanada leh Caymiska Daryeelka Caafimaadka

  1. Valley Medical Center waxay kharashka ku dallici doontaa caymiska loo sheegay. Valley Medical Center waxay ka sugi doontaa lacagta bixiyaha koowaad, iyo bixiyaha labaad marka heshiis iyaga iyo Valley Medical Center ku jiraan kahor intaan bukaanka laga dalban inuu bixiyo baaqiga hadhay. Bukaanka waxaa loo diri doonaa wixii bayaanka kharashaadka looga doonayo daryeelka la siiyay iyo wixii lacag ah ama dib u habayn ah ee la galiyay xisaabtiisa.
     
  2. Xarunta Caafimaadka Valley waxay u samayn doontaa bayaan baaqiga bukaanka kadib marka laga helo jawaabta shirkada(ha) caymiska. Kadib marka laga helo lacagta laga filayo caymiska, Valley waxay ku wargelin doontaa bukaanka ama cida ka masuulka ah baaqiga ku hadhsan iyada oo u diri doontaa 4 bayaan wargelin. Iyada loo laga duulayo doorbiditaanka kharash-bixinta bukaanka waxaa lagala soo hadli karaa taleefanka, fariin qoraal ah loogu soo diri doonaa, ama laga wargelin doonaa MyChart laga bilaabo 14 maalmood kadib taariikhda warbixinta ugu horeysa.
     
  3. Haddii kharashka oo dhammaystiran ama sida ku cad heshiiska aan loo bixin wax, waxaa loo diri doonaa wargelintii ugu danbaysa cida bixinaysa taas oo lagu sheegayo haddii aan lagu bixin kharashka oo dhan ama aan heshiis la galin mudo 10 maalmood oo shaqo ah gudahood oo kal bilaabanta maalinta warbixinta, waxaa aanu ku khasbanaanaynaa inaanu u gudbino xisaabta cid kale oo daynta ururisa.
     
  4. Haddii kharashka oo dhan aan la bixinin ama heshiis kale aan la galin, oo ay xisaabtu gaadho muddadii 120 maalmood ahayd, oo la buuxiyay dhammaan shuruudihii xisaabta waxaa masuuliyaddeeda lagu wareejin doonaa hay’adda daymaha ururisa oo xirfadlayaal ah taas oo heshiis kula jirta isbitaalka